Ugaas Cumar Geelle oo ku baaqey in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda Gaalkacyo

Saturday September 03, 2011 - 02:52:10
0 Comments
2218
Super Admin

London 02.08.2011: Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa ka codsanaya waxgaradka, isimada, culumaaudiinka, haweenka, dhalinyarada ee beelaha walaalaha ee wada dega gobalka Mudug inay si wadajir ah uga qayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo sida ugu dhaqsaha badan.

Waa in labada dhinac ay joojiyaan colaada islamarkaana ay ka fogadaan hadalada iyo ficilada dadka sii kale fogeynaya, waxaan kale ka codsanayaa in maamulka Puntland iska saaro masuuliyad gaar ah sidii dagaalka loo joojin lahaa, islamarkaana nabadda loogu soo dabaali lahaa dadka walaalaha ah.

Run ahaantii anagoo og dhibaatada haysta dalkeena Soomaaliya sida abaaraha islamarkaana caalamka oo dhan ay indhaha ku soo hayaan sidii loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa foolxumo weyn ah in dagaalo sokeeye oo micno daro ah oo aan ognahay in wax lagu gaarayo aysan jirin oo faaido ah, in 21 sanadood kadib inuu ka dhex dilaaco dadka Soomaaliyeed ee ehelka ah hadane qaraabada ah aad ayay noo dhibeysaa noona taabaneysaa, marka waa in la joojiyaa bilaa shuruud la’aan.

Waxaan codsanayaa marka labaad iyo mar sadaxaadba anigoo ku hadlaya magaceyga kan beesha Yusuf Daarood ee aan ugaaska u ahay iyo kan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogto doonayaa inaan si islaanimo ah oo ehelnimo ah oo Soomaalinimo ah idin kaga codsanayaa in dagaalada la joojiyo islamarkaana laga wada hadlo sidii loo dhameyn lahaa dhibta dhacdey, si looga gaaro xal kama dambeys ah.

Dadka Soomaaliyeed waxgaradkiisa ku nool gudaha Soomaaliya iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa kana codsanayaa inay ka qayb qaataan sidii loo damin lahaa dhibataada ka socoto magaalada Gaalkacyo maalmihii la soo dhaafey.

Waxaan diyaar u nahey inaan gogal nabadeed dhex dhigno dadka ehelka ah ee dhibka kale gaarey si looga gaaro xal waara oo kama dambeysa, umadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay u istagaan in dagaal beleed iyo mid siyaasadeed in mar dambe uusan dhex marin dadka Soomaaliyeed meel kasta ay kaga nool yihiin dalkeena insha Allah.

Ugu dambeyntii waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dadkii ku dhintey iyo dadkii dhaawaca ku soo gaarey islamarkaana waxaan codsanayaa in gurmad nabadeed iyo mid samafaleed lala gaaro dadka dhibaatada ka soo gaartey dhibaatadaas foosha xun.

Wabilaahi Towfiiq

Nabad iyo warsan

Ugaaska Beesha Yusuf Daarood ‘’Awrtable’’

WD: Yusuf Maxamed Cabdi

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment