Isfagarad hor dhac ah oo laga gaaray dagaalladii Gaalkacyo.

Sunday September 04, 2011 - 16:34:45
0 Comments
1218
Super Admin
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug ayaa baaqyo nabdeed ka soo saaray Dagaalada iyo xiisadaha wali ka taagan Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Kulamo si qoto dheer Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolkan oo ay ka qaybqaadanayaan Isimo iyo Cuqaal reer puntland ah oo dhawaan Gobolkan soo gaaray ayaa maanta waxaa laga soo saaray Baaqyo Nabdeed oo loo jeedinayo Beelaha Gobolkan iyo dhinacyadii ku dagaalamay magaalada gaalkacyo eexarunta gobolka Mudug.

Kulankan oo maanta ka dhacay Hotel City Center oo ka mid ah goobihii ay dagaalada xoogani ka dhacen ayaa waxaa laga soo saaray baaq nabadeed oo qexaya xabad joojin rasmi ah oo ay wada qaataan labaa dhinac ee dagaalamayay iyo in dib loo furo goobihii bulshaa ka dhaxeeyay iyo kuwii gaarka loo lahaa sida Suuqyaa Ganacsiga, goobaha Waxbarashada iyo waxyaabaha lamidka ah oo gabi ahaanba aan hada shaqaynayn.

Odayaashu waxay sidoo kale ku baaqeen in dadweynuhu uu joojiyo barakaca xoogan ee ay wadaan islamarkaana ay magaalada ku sii nagaadaan maadaama xasilinta la isla qaatay islamarkaana aysan xilligan wax dagaalo ah magaalada ka socon.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Odayaasha Beelaha Gobolkan oo ay ku jirto beesha Leelkase oo loo xaglinayay in ay dagaalkan beel ahaan ugu jirtay waxay goobta shirka ka cadaysay in ay qaadatay baaqyada nabdeed ee ay Odayaashu soo jeediyeen islamarkaana ay ogolaatay in dib looga xisaabtamo waxyaabihii dhacay iyo khasaaraha ay tirsanayso.

Kulankan oo ay fadhiyeen Qaar ka mid ah Isimaa iyo Cuqaasha reer Puntland ayaa waxay si bayaan ah beelaha ugu sheegeen in ay xiriiro la sameeyen Maexweynaha Dawlada Puntland islamarkaana uu baaq nabadeed ka soo saaray

Burtinletimes.com

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho gurmad

Related Items


Leave a comment