Waxgaradka Gobolka Mudug oo ku heshiiyay xabad joojin laga dhaqan geliyo magaalada Gaalkacyo

Sunday September 04, 2011 - 21:56:35
0 Comments
1055
Super Admin
Waxaa maanta kulan isugu yimid Waxgaradka gobolka Mudug qeybihiisa kala duwan, kulankaasi oo laga soo saaray qodobo ku aadan nabada iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo.

Kulankani ayaa wuxuu ka dhacay hotelka City Center ee xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankani ka soo qeybgalay Isimo, Nabaddoono, Caaqilo, Odayaasha dhaqanka ee nabada ka shaqeeya iyo Culimaa’udiin qaarkood ka yimid magaalada Garowe.

Isimada gobolka Mudug ayaa kulankani isku soo abaabulay waxaana kulankani looga gol lahaa in la soo celiyo amaanka iyo nabadgelyada gobolka Mudug waxaana halkaasi si wadajir ah ugu wada hadlay Waxgaradka shacabka gobolka Mudug.

Arimaha nabadgelyada iyo sidii magaalada Gaalkacyo looga joojin lahaa dagaalada ayaa Waxgaradka iyo Isimadu ka wada hadleen waxayna ka soo saareen qodobo wax ku ool ah.

Qodobada shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa:-

In la sameeyo xabadjoojin lagana shaqeeyo in dagaal dambe uusan dhicin.

In la kala qaado wixii ciidan ah ee is hor fadhiya.

In dib loo furo ganacsigii magaalada Gaalkacyo oo weli xaniban.

In dadkii ka barakacay magaalada dib loogu soo celiyo loona sheego in colaadii dhamaatay.

Isimada iyo Waxgaradka ayaa ku taliyay in qodobadani dhaqangalkooda la xoojiyo oo dhinacyada magaalada Gaalkacyo ay xooga saaraan in aysan fashilmin qodobadan lagu heshiiyay qoladii jabisana lagala xisaabtamo.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid ah Isimada gobolka Mudug ayaa u mahad celiyay ergooyinka shirka ka soo qeybgalay, wuxuuna Alle ka baryay in maslaxad kheyr qabta uu dadka gobolka soo dhex dhigo, wuxuuna intaa kadib codsaday in si deg deg ah loo fuliyo qodobada ay ka mid yihiin xabad joojinta si ay meesha uga baxdo colaada sokeeye.

Suldaan C/qaadir Jaamac ayaa isaguna soo dhoweeyay kulanka maanta wuxuuna mahad celin u diray inta soo agaasintay kulankani oo ay ugu horeeyaan Isimada beelaha Leelkase iyo Majeerteen, wuxuuna codsaday in qodobada kulanka ka soo baxay la tixgaliyo dhaqangalkooda.

Eng, Cumar Maxamed C/lle (Eng, Cumar dheere) ayaa isagoo ku hadlaya afka Isimada iyo Waxgaradka Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) wuxuu baaq nabadeed u diray dhamaan dhinacyadii Gaalkacyo ku diriray, wuxuuna sheegay in uu fariin ka wado Isimada beesha Awrtable, fariintaasi oo ah in Beeshu u soo socoto dhex dhexaadinta iyo nabad ka dhalinta dhibkii Gaalkacyo ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.

Caaqil C/wahaab Maxamed Gurey ayaa ka mid ahaa Isimadii kulanka ka hadlay wuxuuna dadka Gaalkacyo ka codsaday in la isu sabro oo nabada laga shaqeeyo lagana hortago dhibaato kasta oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac iyo barakac shacab.

Caaqil C/naasir Cigaal ayaa soo dhoweeyay kulanka maanta ee looga hadlayo xabadjoojin laga dhaqan geliyo magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in shacabka gobolka Mudug loo soo celiyo nabadoodii iyo isdhexgalkoodii walaaltinimo, isagoo ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaalka.

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn Puntland isla markaana ka yimid magaalada Garowe ayaa wuxuu dadweynaha Gaalkacyo iyo Isimadooda ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasilooni ku wada noolaanshaha, Shiikha ayaa dadka Gaalkacyo xasuusiyay dambiga uu leeyahay qofka dhiigga xaq-darrada ah daadiya, wuxuuna ka digay dhiig shacab oo maalaayacni lagu daadiyo.

Shiikh Sayid Cali Xaaji Xirsi oo ka mid ah Culimaa’udiinka Ahlusuna ee Puntland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta loo istaagay ka shaqeynta maslaxada shacabka Gaalkacyo, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan fitno ninkii shiday aan ku ekaan doonin oo dadka wadar u saamey karta, wuxuuna Alle ka baryay in raxmad iyo nabad kheyr qabta uu Gaalkacyo ku soo dejiyo.

Dhinaca kale markii uu soo gaba-gaboobay kulanka waxaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray ergo ka socota beesha Dhulbahante oo ka timid magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn, kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb qaataan nabadeynta Gaalkacyo.

Burtinletims.com

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho RBS

Related Items


Leave a comment