HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaallada Laascaanood ka hirgelisay biyo gelin (SAWIRRO

Tuesday September 06, 2011 - 22:37:37
0 Comments
2540
Super Admin
Ururka HIRDA ayaa gudaha Magaalada Laascaanood waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey mid ka mid ah iskuul ku yaala Magaalada Laascaanood, Iskuulkaasi oo lagu Magacaabo Saamalay Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan arday badan oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Abdisalam Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha gudiga Iskuulka Saamalay Primary and Secondary School oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin uu ka bixyey Howlaha mashaariicda ah ee Ururka HIRDA uu ka fuliyey dhismaha Dugsigaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin musqulo oo loogu talagaley in ay isticmaalaan Ardayda iyo Macalamiinta, Haan-weyn oo ardaydu ay ka cabaan biyo nadiif ah,iyadoo dhamaan musqulaha la wada geliyey tuubooyin biyaha laga shubto.Abdisalam ayaa waxaa uu intaasi ku daray Mashruucani dhismaha oo ah kii ugu balaarnaa ee Iskuulkan laga hergeliyo ayuu sheegay in ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dardargelinta howlaha waxbarashada ee ka soconaya deegaanka ,isagoo dhinaca kalana ku amaanay Ururka HIRDA mashaariicdii dhismaha ahaa ee ay ka fuliyeen iskuulkaasi iyo kuwa kale oo jira guud ahaan Dalka Somaliya. Waxaana uu yiri :“Barnaamijkan waxa uu faaíido u leeyahay bulshada oo dhan, waxaana laga faaíidayaa helidda biyo nadiif ah taasoo kor u qaadaysa caafimaadka ardayda iyo dadka u dhaw dhaw Iskuulka,Waxaana leeyahay Hayádda HIRDA waad ku mahadsan tihiin garabka aad ina siiseen.” Ayuu yiri Abdisalam Maxamed Xuseen Dhinaca kale Waxaa Haan-weyn oo u gaar ah loo sameeyey Xaafadda Saamalay,taasi oo loogu talagalay inay dadweynaha ka dhaansadaan biyaha ay u baahan yihiin,waxaana mashruucan uu ka dhigan yahay mid ay dadweynaha magaaladda ka faaídeystaan. Iskuulkan mashruuca laga fuliyey iyo Ceelka Saamalaay ayaa waxaa la dhisay sanadkii 2006,waxaana ay qeyb weyn ka qaateen sara u kaca nolosha bulshada Magaallada Laascaanood iyo Biyaha la cabo ee deegaankaasi.Abdisalaan ayaa sheegay in hada taageerada iyo hamsami u socodka iskuulka ay ka helaan waalidiinta dhalay carruurta dhigata iskuulka, waxaana uu dhica kale sheegay inay rajeynayaan wada shaqeyn xoogan iyo garab ay ka helaan Hayádda HIRDA oo xarunteedu tahay Wadanka Holland.Iskuulkan oo soo maray marxalado kale gedisan ayuu sheegay in hadda taageerada uu ku socdaa in ay tahay mid ka timaada gudiyada waalidiinta ee Ardeyda,taasoona wada dabooli karin ayuu yiri Baahiyaha gaarka ah ee iskuulka sida Dhismayaasha,Dayactirka Qalabka iskuulada iyo Dhirigelinta Macalamiinta,waxaana uu ka Codsadey Ururka Samafalka HIRDA in ay sii laban laabaan kaalmada ay u fidinayaan Dugsiyada Waxbarashada ee ka dhisan Dalka Soomaaliya.Ma ahan markii ugu horeysay ee Ururka HIRDA uu taageero noocani oo kale ah uu u fidiyo iskuuladda waxbarasho oo ku yaala Dalka Soomaaliya,Ururka HIRDA ayaa mudo ka badan ilaa iyo 13 sano waxaa uu ku howlanaa howlo la xariira dhinaca Waxbarashada iyo arimaha Samafalka ee Soomaaliya.Waxaana xaruntiisa ay tahay Magaallada Amsterdam ee Wadanka Holland.

Related Items


Leave a comment