14-Carruur ah Oo U Geeriyootay Cudurka Shuban Biyoodka Magaalada Baladweyne

Sunday December 31, 2023 - 13:50:24
0 Comments
76
ahmed raajaa
BALADWEYNE
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi ugu geeriyoodeen caruur badan oo kamid ahaa dadka deegaanka, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xaalada ka taagan magaalada ay tahay adag, isla markaana cudurka Shuban Biyoodka uu ku dhacayo carruurta, yadoo ay halis ba,an ugu jiraan dadka waayeelka ah.

Inta la xaqiijiyay illaa 14 qof oo u badan carruur ayaa saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ugu geeriyootay gudaha Baladweyne, waxaana xaalada ugu daran ay ka jirtaa xaafadaha  Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo-taako.

Cudurka ayaa dilaacay kadib markii laga soo noqday fatahaadda ku dhufatay magaalada  oo xaafadaha ku reebtay biyo wasaqeysan, waxaa kaloo ay Dhaqaatiirta Caafimaadka ay tilmameen inuu jiro cudurka jadeecada sidoo kale inay Baladweyne ka jirto daawo yari qaar kamid ah isbitaallada halkaasi.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment