10; Xildhibaano oo maantay soo gaaray magalada Garoowe. (Sawiro )

Monday September 19, 2011 - 00:01:43
0 Comments
1111
Super Admin
Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kasoo dagay Xildhibaano badan oo katirsan golaha baarlamaanka ee Dawlada Soomaaliya kuwaasoo inta badan kasoo jeeda lagana soo doorto deegaanada Puntland ayna kujiraan siyaasiyiin caan ah iyagoona kasoo duulay caasimada Jamhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho soona gaaray deegaanada Puntland oo ay arimo badan u yimaadeen.

Xildhibaanadan oo si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada dawlada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisul wasaarihii dawladii Carta oo darajada wasiirnimadana kasoo qabtay dawladii Horeiyo Kuwii dane,Xildhibaan Mohamed abdi yusuf ,Xildhibaan Xassan Abshir farax oo asagu hogaaminaayeyka midaha wasradii dawladii abdullahi yusuf ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga DFKMG ah Cabdirashiid Maxamed Cabdi-Xaashi (Cirro), Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo Xubno kale oo aad u badan kuwaas oo markii ay yimaadeen ay soo galbiyeen xubno kamid ah golaha wasiirada ee Puntland.

Xildhibaan Xassan Abshir Faarax oo kamid ahaa Waftigii Xildhibaanada ahaa ee maanta Garoowe tagtay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda Puntland oo uu sheegey inay markasta muhiim tahay in dalka iyo dadkaba ay soo booqdaan, Waxaana uu Xildhibaanku sheegey in imika ay u yimaadeen sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen xalinta mushkiladii bilowgii bishaan Gaalkacyo ka dhacday ee keentay dagaalkii dhiiga badani ku daatay isagoona intaas kudaray in ay arki doonaan golayaasha kaladuwan ee Puntland dabadeedna ay Gaalkacyo usii gudbi doonaan.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment