Taajiriintii Ruushka oo isku gacan qaaday TV dhexdiis;

Tuesday September 20, 2011 - 02:50:17
0 Comments
1094
Super Admin
Labadaan nin oo ah niman Ganacsadayaal ah oo u dhashay dalkaasi Ruushka ayaa waxa ay isku feereen Barnaamij kasocday Tv lagu Magacaabo NTV kaas oo laga leeyahay dalkaasi Ruushka.

Labada nin oo uu midi ahaa Alexandre Lebedev oo ah nin milyaneer ah oo leh labada Journal ee caanka ah waa Independent ee kasoo baxa dalka Britain iyo Journalka kale ee lagu magacaabo Evening Standard waxa uuna uu horay uga shaqaynjiray oo kamid ahaa mukhaabaraadkii hore ee midawgii Soviet ee la oranjiray KJB Labadev ayaa feeray ninkaan sida kucad Videogaan oo ay daawadeen malaayiin ayadoo alga daawaday boga caanka ah ee You Tube-ka.

Ninkan lafeeray ayaa asna lagu magacaabaa Sergy Polonsky asna waa ganacsade weyn oo si aad ah looga yaqaan dalka Ruushka waxa uuna leeyahay haatan warshad yar oo u kushaqaysto waxaana uu horay u lahaa shirkado waaweyn balse dhaqaalo xumadii aduunka soo wajahday sanadkii 2008 ayaa inta badan uu dhaqaalihiisii lumay.

Labada nin ayaa kaqaybgalay barnaamij kabaxayay TV oo looga hadlayay dhaqaalaha aduunka ee sii dumaya balse Labedev ayaa xanaaqay waxaa uuna feer kubilaabay Polonsky waxaana Videogan kamuuqata inaysan wax saas ah gaaran asagoo dhulka kudhacay ma ahanee iyo surweelka oo kadilaacay sida ay sheegeen saxaafada aduunka qaar kamid ah.

Labadev ayaa haatan ah 51 jir waxa uuna sidoo kale share ku leeyahay shirkada diyaaradaha ee dalka Ruusha ee ladhaho AeroFlot.

Halkaan Kadaawo VedeogaLabada Nin ee Isfeeraya

http://www.youtube.com/embed/kmluV_kyMx4

Mohamed Jaamac

Maxamedjn@hotmail.com

Related Items


Leave a comment