hirda peace tourtnament Galkacyo– (Sawiro)

Tuesday September 20, 2011 - 14:50:42
0 Comments
1315
Super Admin
Tartankan kubada cagta ah ayaa loogu magac daray HIRDA PeaceTourtnament, iyadoo ay ku tartamayaan afar kooxood oo ka kala socdaWaqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Koobkani ayaa ah mid looga gol leeyahay is dhexgalka dhallinyarada iyo
qeybaha bulshada Gaalkacyo, waana markii ugu horeysay ee uu Ururka
Hirda barnaamijka noocani oo kale ah uu ka fuliyo degmada Gaalkacyo,
iyadoo Ururka Hirda uu ka shaqeeyo Waxbarashada, Caafimaadka iyo
Cayaaraha.


Wakiilka Hirdo ee tartankani C/qani Axmed Carabey ayaa sheegay in
koobkani uu bilowday 17-kii bishan September isla markaana uu soo gaba
gaboobayo 21 September oo ku asteysan maalinta Nabada Adduunka.

Furitaanka koobka kubada cagta Hirdo ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha
Cusub ee Isboortiga Gobolka Mudug C/hodan Cali Dayax-leef, wuxuuna soo
dhoweeyay talaabada muhiimka ah ee uu qaaday Ururka Hirda, wuxuuna ku
amaanay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan arimaha horumarinta
isboortiga iyo ka shaqeynta isdhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Bari Mustafe Mijacase ayaa soo
dhoweeyay horumarka isboortiga gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in
isboortiga Mudug ka jira uu yahay mid loo siman yahay oo ay dhallintu
si wadajir ah uga qeyb qaataan.


Ilyaas C/nuur oo ka mid ah Macalimiinta kubada cagta ee gobolka Mudug
oo ah macalim aad iyo aad looga dambeeyo arimaha isboortiga gobolka
ayaa soo dhoweeyay horumarinta isboortiga ee ay Hirda bilowday,
wuxuuna hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay in barnaamijka Hirda
ay fulisay ay ku daydaan Hay’adaha kale ee gobolka ka jira.

Gaba-gabadii furitaanka tartanka waxaa hadlay C/qani Carabey oo
sheegay in barnaamijkani uu ka yimid Ururka Hirda oo ka dhisan dalka
Holland, kana shaqeeya arimaha bulshada, wuxuuna intaa ku daray in
barnaamijka noocani ah ay sii wadi doonaan oo aysan intaa ku ekeyn
horumarka ururka Hirda.


*Wabilaahi Towfiq
*
*Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )

Tel: +25290621638

Galkayo Somalia *

Related Items


Leave a comment