7 Qof oo loo xiray Maria Dedia oo laga afduubay xeebaha loo dalxiis tago ee waddanka Kenya;

Friday October 07, 2011 - 02:59:10
0 Comments
1163
Super Admin
Dawladda Kenya ayaa xabsiga U taxaabtay 7 qofood oo lala xariirnaayo afduubkii dhawaan xeebaha ku yaalla xadka Soomaaliya loogu gaystay haweenay u dhalatay wadanka faransiiska oo loo gudbiyey gudaha waddanka Soomaaliya.

Saraakiisha booliska waddanka kenya ayaa warbaahinta u sheegay in afduubkii ka dhacay

Goobaha Dalxiiska ay ku lug lahaayeen dad ku sugan gudaha waddan ka kenya,Iyagoo sheegay in hawl gal

looga jawaabaayo ay fuliyeen Ciidaddamada Boolisku.

Macquul ma ahan in uu qof ka imaan karo dalka darres ka ah ee Soomaaliya uunna Si toos ah u abaaro guri uu kala baxo Qof''

ayuu yiri tallliyaha Booliska Kenya mathew Iteere oo la hadlaayey Saxaafadda,

Talliyuhu wuxuu sheegay in arrintaasi aysanb sinna suura gal u ahayn ayna keentay in Dawladda Kenya ay rumaysato in kuwa wax afduubtay kuwa kale ay ka heleen gacan,Kuwaas uu sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan Gobolka waa sida uu hadalka u sheegaye.

Iteere ayaa ku nuux nuuxsaday in qaar ka mid dadkaas ay bartilmaameedsadeen Ciidanku haddana la soo xiray,

Hase yeeshee kooxda ugu ballaaran ay ka soo tilaabeen xadka waa kuwa falka gaystaye,

Sargaal kaleoo tirsan Ciidanka waddan ka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo in dadka la xiray

ay ku jiraan mid ka mid ah ilaaladii goobta laga afduubtay haweenaydaFaransiiska ah hadana su'aalo la waydiinaayo.

Talliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaanayaan sida ay wax u dhaceen iyo in uu jiro xariir u dhaxeeya Kuwa wax afduubtay iyo kuwa gudaha Kenya ,

Wuxuuna Tilmaamay in burcadda wax afduubtay ay la shaqeeyeen dad ku sugan halka afduubku ka dhacay .

Koox hubaysan ayaa Subaxnimaddii sabtida afduubay Maria Dedia oo ah 66 jir u dhalatay waddanka Faransiiska

Xilli ay ku sugnayd xeebaha loo dalxiis tago ee lamo,halka 11 September la afduubtay haweenay kale oo u dhalatay wadadanka Britain oo ninkeeda lagu dilay weerarkaasi,

dhamaan dadkaas waxaa lagu sheegay in lagu haysto guddaha waddanka Soomaaliya.

Burtinletimes@hotmail.com

 

 

Related Items


Leave a comment