Chris Kanu oo tababar siiyay kooxda Somaliweek ee ku wajahan dalalka Khaliijka–

Sunday October 09, 2011 - 13:37:43
0 Comments
2523
Super Admin
Garoonka The Pavillion oo ku yaal xaafada Stone Bridge ayaa waxaa ka socda diyaargaroowga kooxda Somaliweek Diaspora ay ugu diyaargaroobayaan safarka ciyaaraha ay ku aadayaan magaalooyinka Kuwait iyo Dubai todobaadyada soo socda hadii Allah idmo.

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Somaliweek ayaa waxaa bixiya todobaadkii labo jeer macalimiin Soomaaliyeed sida Macalimiinta kale ah Dahir Gacamey(Muqdisho), Maxamed Brasab, Cali Mire(Wagad), Mandella laakinse todabaadkii hore waxaa si lama filaan ah ugu soo biirey ciyaaryahan weyn oo u dhashey dalka NIGERIA islamarkaana ka soo dheelay kooxo waaweyn oo ka dhisan Yurub sida kooxda AJAX Amsterdam, xulka Nigeria , wuxuuna la dhashey ciyaaryahanka caanka ahNwanaku Kanu oo ah ciyaaryahan caalamka taariikh wanaagsan ku leh oo ka soo mid ahaan jirey kooxaha AJAX & ARSENAL.

Chris KANU ayaa tababarka siiyay todobaadkii hore kooxda Somaliweek, wuxuuna kula hadley garoonka dardaarana siiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadeysa cayaaraha Khaliijka markii uu yimid garonka, tababarka marka u soo dhaameeyayna wuxuu u sheegay inuu labada todobaad ee soo socoto imaan doono garoonka kana caawin doono wax alle iyo wixii uu qibrad heysto.

Mar aan kula kulmey garoonka oo wareysi ka qaadayay wuxuu ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey inuu gacansiiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee safarka u ambabaxaysa oo uu macaliniintooda ka mid yahey saaxiibkiis Maxamed Brasab.

Waxay u baahan yihiin in fitness-ka laga dhigo kubad way yaqaaniin sida aan ku arkey markii aan tababarka siinayay, anigana waxaan go’aansadey inaan qayb ka noqdo tababarka intuu socda waxaana u rajeynaynayaa marka ay tagaan KUWAIT & DUBAI inay guulo ka soo hoyaan si aan ugu faraxno dhamaanteen, ma doonaya in laga soo badiyo oo ay hoos noo dhigaan ayuu igu yiri isagoo qiiro iyo farxadba ka muuqatey intii uu joogey garoonka.

Run ahaantii imaanshaha ciyaaryahanka u dhashey dalka Nigeria islamarkaana la walaalka ah ciyaaryahan Kanu, Chris waxay u soo dhaweyeen dhalinyarada, macalimiinta, odayaasha iyo maamulka Somaliweek si wanaagsan taasoo aan dhihi karo sababta uu ku go’aansadey inuu qaato go’aan ah inuu tababarka siiyo ilaa ay ka baxayaan kooxda Somaliweek isagoo la shaqaynaya macalimiinta kooxda kaxaynayso.

Kadib markii ay soo dhamaatey tababarka kooxda ayaa waxaa la geeyay rugta gacansiga Hillsidehalkaasoo mudane Chris Kanu kula kulmey Xuseen Bisad,kun, islamarkaana waxaa dhaxmartey wada hadal, mudane Xuseen Bisad ayaa u sheegay Chris inuu taageero weyn u yahey walaalkii Kanu markii uu AJAX , ARSENAL iyo Xulka Nigeria u dheelayayba, Mr.Chris ayaa balan qaadey inuu Kanu iyo Xuseen ay wada kulmi doonaan insha Allah.

Mr.Chris ayaa ii sheegay inuu aad ula dhacsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee isboortiga ee maanta uu kula kulmay garoonka iyo rugta ganacsiga sida ay u soo dhaweyeen, wuxuuna iisheegay in Kanu oo safar ugu maqan AFRICA marka uu yimaado inuu isna ka soo qayb gali doono tababarada soo socdo,waxaana keenaya Adabayor iyo ciyaartooy badan oo African ah ayuu yiri hadii loo baahdo si u dhiirigaliyaan dhalinyaradaan Soomaaliyeed.

Mr.Chris Kanu ayaa iisheegay inuu aad ugu xumaadey qaraxii lagu laayay caruurta waxbarashada u socotey ee magaalada Muqdisho qaraxa lagula beegsadey iyo dhibataada shacabka Soomaaliyeed haysata.

Kooxda Somaliweek Diaspora ayaa tabaabushe weyn ugu jirta sidii ay sanadkaan wacdaro ugu soo sameyn laheyd magaalooyinka Kuwait iyo Dubai oo ay kula dheelayaan kooxo Carab ahiyo kooxaha jaaliyadda Soomaaliyeed.

Wixii kale oo ku saabsan safarka kooxda Somaliweek iyo barnaamijyadooda waxaan idin kaga soo qori doonaa qormooyinkeena dambe hadii Eebe idmo.

Sawirada halkaan ka eego:









SSPAMEDIA

Yusuf Yusuf

London

Related Items


Leave a comment