Marxuumad Fadumo Qasim Hiloowle oo aas Qaran iyo baroordiiq loogu sameeyay magaalada London–

Sunday October 09, 2011 - 13:51:52
0 Comments
1717
Super Admin
Allaha u naxariiste feynuusta fanka dalka Soomaaliya marxuumad Faadumo Qaasim Hiloowle ayaa lagu aasey shaleyto galabta qabuuraha muslimiinta Garden of Peace oo ku yaal Bariga magaalada London.

Aaska ayaa waxaa ka soo qayb galey Soomaali aad u fara badan oo ka kale yimid dunida dacaladeeda iyo magaalooyinka dalka Ingiriiska, waxana uu ahaa aas aan loo kale harin oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen midnimo Qaran iyo mid Soomaaliyeed oo ay kucabirayeen dareenkooda walaalnimo, Soomaalinimo iyo Islaanimo.

Sida loogu soo baxay qabrigeeda wadaniyada aaskeeda ma ahan mid aan ku soo koobi karin qoraal yar, balse waxaan idin sheegayaa qofkii dadkiisa iyo dalkiisa wanaajiya inta uu nool yahay in isagana/iyadane ay garab istaagayaan nolal iyo geeri inta aduunka u joogo sida tan maanta dhacdey oo kale.

Waxaa xusid mudan in dadka aan la qiyaasi karin tiradooda ay dhamaantood ka muuqatey wajiyadooda shucuur wadaninimo iyo mid Soomaaliyeed, dhamaantoodna ay isaga tacsiyeynayeen geerida qof ay aad u jecel yihiin oo geeriyootey, qoyska reer Qaasim Hiloowle iyo Qoyska reer Karaama run ahaantiina iyagana waxay muujiyeen Soomaalinimo aan la qiyaasi karin intii ay socotey aasida gabadhooda iyo hooyadood.

Fanaaniinta Qaranka iyo kuwa cusub ayaa iyana si weyn ugu dhexmuuqdey ka soo qayb galka aaska, waxaa kale meesha joogey dadkii reer magaalka ahaa ee deganaa magaalada Muqdisho barisamaadkii, kuwaasoo taariikhdeeda aad u yaqaaney.

Bahweynta isboortiga ayaa iyana u kale harin inay ka soo qayb galaan aaska marxuumada oo aheyd qof ka tirsan isboortiga oo mar walbo garab taagnaa meel walbo oo lagu qabto cayaaraha, hadii ay ahaan laheyd barisamaadkii iyo Soomaaliya iyo Qurbaha.

Kadib markii la aasey ayaa bahda isboortiga magaalada London iyo Great Manchester ay baroordiiq iyo duco ugu qabteen marxuumada maqaayada Ramada oo ku taal Waqooyiga magaalada London, waxaana ka soo qayb galeydhanka magaalada Manchester wafdi aad u culus oo uu hogaaminayay Gashaanle sare Shariif Cumar Zeno oo ayna wehliyeen General Maxamed Ismaaciil (007), mudane Maxamed Jeylaani,Garsoore Cabdulqaadir Caddaay, MUdane Nuunoow Maxamed Xaaji Cumar,Shariif Xuseen Zeno,mudane Maxamed Ciise iyo Mudane Cumar Canjeero. Dhanka bahda isboortiga reer London ee fursada u helay ka qayb galka kulankaan qiimaha badnaa ee loogu duceynayay marxuumad Fadumo Qaasim waxay kale ahaayeen: Mudane Cabdulqaadir Isoomareey, Mudane xildhibaan Cali Afgooye, Garsoore Muriidi Zein,Mudane Cabdi Dheeg, Prof Kaahiye, Dahir Gacamey,Xuseen Abati, Maxamed Buuwe, Liibaan Hersi, Shiiloow, Cali Dheere Maxamed Cali, Mahad Cabdi iyo Yusuf Yusuf.

Kulanka baroordiiqda Faadumo Qaasim Hiloowle ee bahda isboortiga magaalooyinka London iyo Great Manchester dhamaan dadkii ka soo qayb galey waxay ka hadleen taariikhdii iyo aqoontii ay u lahaayeen marxuumada, waxayna Allah uga baryeen inuu u naxariisto janadii fardoowsana geeyo insha Allah, dhamaan dadka Soomaaliyeed na samir ka siiyo iyo gaar ahaan qoyskeeda.

Waxaa kale laga hadley sidii isboortiga loogu adeegsan lahaa wax ka qabashadda dhibaatada ka taagan Soomaaliya guud ahaan iyo sidii la iskugu raadin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasto ay joogto si loo badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Aaska iyo kulanka baroordiiqda waxay ku soo dhamaadeen sidii loogu talagaley,magaalada London iyo meelo kalabe waxaa tacsiyo iyo baroordiiq loogu sameynayaa marxuumada allaha u raxmadee aamiin.

W/D; Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London


Related Items


Leave a comment