Diyaaradaha Dagalka Mareykanka oo Duqayn ka gaystay Dagmoyinka Kulbiyow iyo Badhaadhe

Wednesday October 12, 2011 - 01:41:26
0 Comments
949
Super Admin
Wararka naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Halkaas shalay lagu duqeeyay Kooxda Al-Shabaab

Diyaaradaha Duuliye la’aanta ah ayaa waxaa ay duqeeyeen saldhigiyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Kulbiyow iyo Badhaadhe oo kuwada yaal duleedka magaalada Kismaay warar anu ka helnay Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Al-Shabaab duqeyntaas ay kaga dhinteen askar kuwa kala oo dhaawac ahna lagaarsiiyay Gudaha Magaaladaas.

Mid kamid ah dadka Magaalada kismaayo waxaa uu sheegay in Duqeynta lala helay Saldhigyo waa weyn oo ay Al-Shabaab-ka leeyihiin Al-Shabaab ayaa wada Howlgalo xoogan gudaha Magaalada iyo deegaanada ay kadhacday Duqeynta, kamana aysan hadal duqeyntaas.

Diyaaradaha Dagaal ee Dalka Mareykanka ayaa si aan kala joogsi la heyn uduqeeya Al-Shabaab-ka gacanta kuhaya deegaanada Koofureed ee Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo ay aad ugu xoogan yihiin.

burtinletimes.com

xigasho kismaayo24

Related Items


Leave a comment