Halkee ka baxday lacagtii lagu soo qaatey in lagu dayactirayo garoonka Conis.

Wednesday October 19, 2011 - 00:58:09
0 Comments
984
Super Admin
Waxaa na soo gaarey warqadii lagu dalbaday in lagu dayactiro garoonkii hore ee kubada cagta Conis Stadium oo ku yaal waqooyiga magaalada Muqdisho iyo lacagtii loogu ogaaladay inay ku dayactiraan garoonka isla markana ay ku dhisan Hooy lagu xareeyo kooxaha ka qayb galaya tartamada.
Waxaa dalabka si wadajir ah u gudbistey maamulka XSKC sida Gudoomiyaha Siciid Mugaambe, Xoghayaha XSKC Cqani Siciid Carab, waxaana la og isla markaana qayb ka ah Gudoonka sare ee GOS sida Gudoomiyaha Wiish, ku xigeenka GOS Duran Farah, Xoghayaha GOS Cabdulahi Tarabi iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Dowladii Nuur Cade mudane Axmed Cabdi Salaan.
Dalabka waxaa loo gudbiyay the Goal Project oo hoos tagta FIFA una qaabilsan gacan siinta dib u dhiska garoomada iyo wixii la halmaala iyadoo laga codsaday in dalka Soomaaliya u baahan yahay in loo dayactiro garoonka isla markaana laga caawiyo waxyaabo badan oo kale duwan, iyadoo dalka Zwitzerland ay si wadajir ah codsigaan ugu gudbiyeen masuuliyiin ka koobadan kuwa aan kor ku soo sheegnay sida GOS,XSKC & Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada.Dalabka waxaa la gudbistey sanadkii 2006 waxaana la soo ogolaaday 22 Oktobar 2008 isla markaana waxaa loo soo shubay lacag dhan 1.159.806 US Dolar, waxaana lagu soo shubay xisaao uga furan Bank-iyo ku yaal dalalka Jabuuti, UAE & Qatar.
Hadaba markii aan dabagal iyo baaritaan aan ugu kuur galayno lacagtii iyo wxii lagu qabtey ayaan ku ogaanay inaan waxbo lagu qabanin isla markaana lagu kale qaybsaday ceyriinka, iyadoo lacagta qayb ka mid ah ay qaataan shirkada la yiraahdo GreenField Company oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai una madax ka yahay ninka la yiraahdo Mr. Sophocles, si FIFA iyo Goal Project loo tuso inay doonayaan in dayactirka Garoonka ay u xilsarayaan shirkad caalami ah si lacagta ugu soo bislaato maamulada isku biirsaday inay ku lunsadaan hantida loogu tala galay in lagu dayactiro hantida Qaranka Soomaaliyeed iyadoo si xeeladaysan loo isticmaalayo masuuliyada Qaran ee la huwan yahay.
Waxaan xiriir la samaynay Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya kana codsanay inay war naga siiyaan waxa ay kala socdaan mashruucan lagu dayactiraayo garoonka Staduim Conis, waxana ay ii sheegen inay maqleen laakinse aysanba jirin wax laga qabtey garoonka isla markaana Wasiirkii hore ee Isboortiga iyo dhalinyarada Axmed Cabdi Salaan uu diiday inuu xil wareejin sameeyo soona gudbiyo wxii Wasaarada intii hayay qabteen u gudbiyo Wasiirka Cusub ee Isboortiga iyo dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble.
Waxaana kale oo la xiriirey mudane Duran Farah oo ah ku xigeenka GOS ahna madaxa xiriirka caalamiga iyo Ku xigeenka XSKC Mudane Axmed Nur Abdule oo ay naga dhaxeeyso aqoon iyo Saaxiibtinimo weyn si aan uga ogaado eedaymaha lunsashada hantida qaranka iyo wixii ay kale socdaan arinkaan, nasiib wanaag labada masuul dalka aan joogo way ka maqan yihiin wax jawaabna kama haayo xiriirkii aan la sameeyay, laakinse markii ay soo laabtaan ayaan waydiin doonaa hadii Allah idmo.
Docda kale Xogahaya XSKC Cqani Siciid Carab ayaa ogaaday inaan dabagal ku hayno wuxuuna ku noolaa dalka Holand kadibna waxa u si degdeg ah ugu baxay magaalada Dubai si marin habaabin ugu sameeyo howsha aan gacanta ku hayno, waxana u shir la qaatey ninka ay kula shirkoobeen inay lunsadaan hantida qaranka Soomaaliya ay ka heleen mashruuca Goal Project Mr Sophocles oo ah madaxa shirkada qandaraaska kaga soo qaatey Goal Project inay dayactirayaan garoonka isla markaana dhisaya Hotelka.
Ugu dambayntiina waxaa xiriir mar kale la samaynay Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada waxaana ku wargalinay inaan gacanta ku hayno masuqmaasuq baaxad weyn iyo lunsasho hanti qaran isla markaana aan doonayno inaa maxkamada u gudbino arinkaan si meel loo saaro meeshii la mariyay hantidii qaranka ee la lunsaday, waxayna noo balan qaadeen inay gacan naga siin doonaan ayna laftirkooda ka wasaarad ahaana ay dabagal ku samaynayaan in la dayactiro garoonka isla markaa howshii ay qandaraaska ku soo qaateen aysan noqon doonin mid ay lunsadaan dad aan masuuliyad wadaniyadeed lahayn.
Waxaan kale la xiriirnay Maxkamad ku shaqo leh arimaha Isboortiga oo ku taal dalka Zwitzerland si aan dacwad ugu soo oogno Goal Project, Fifa, IOC & NOC qaabka ay umaareeyen arimaha Isboortiga Soomaaliya iyo qaabka ay ku bixiyaan dhaqaalaha loogu talagalay horumarinta Isboortiga dalka Soomaaliya, maxkamada COURT ARBITARATION /TAS loo yaqaan waxaan dhawaan la yeelan doonaan kulamo hor dhac leh kadib markaan soo afjarno dabagalka aan ku hayno hay'adaha Isboortiga Soomaaliya maamula, waxaan kale oo xiriir la samayn doonaan shirkada ku soo qaatey inay dayactireyso garoonka Staduim Conis anagoo waydiin doona wxii ay ka qabatey dayactirka garoonka iyo dhaqaalihii Soomaaliya loogu talagalay meeshii ay marsiisay.
Waxaan kale xiriir la samayn doonaa madaxda dalka Soomaaliya anagoo ku wargalinayno lunsashada hantida qaranka iyo xisaabadka ka furan dalka JABUUTI ee lagu soo qaato magaca Isboortiga dalka Soomaaliya, Dowlada Jabuuti ayaan xiriir kale samayn doonaa waxa ay ka ogtahay in dalkeeda loo isticmaalo in lagu lunsado hantida qaranka Soomaaliya lagu soo qaato, isla markaana waxaan kale dabagal ku haynaa hantida soo gasho GOS iyo sida loo maareyay.
Shacabka Soomaaliyeed dhamaan iyo gaar ahaan bahda Isboortiga Soomaaliya gudaha iyo dibadaba ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan sidii ay wax ugu qaban lahayn dhaqaalaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya hadana ay ceyriinka ku qaybsadaan dhawr qof.
Halkaan ka daalaco project Goal 2006 ee lagu soo qaatey in lagu dayactiraayo garoonka Staduim Conis.

http://www.fifa.com/mm/goalproject/SOM_ENG.pdf

Lacagta waxaa loo soo shubay 22 Oktobar 2008 xiligaas Waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa ka jirtey nabad iyo deganaasho lagu qaban karey in lagu dayactiro garoonka weyn ee Conin Staduim in maanta noo la aqriyo shaqo lagama qaban karo magaalada Muqdisho 8 bilood ka dib markii lacagtii la cunay ma noqonayso mid laga qariyo shacabka Soomaaliyeed,w axaan doonaynaa in wax muuqdo laga qabto garoonka Staduim Conis isla markaana aysan dhicin in Hantida qaranka.

Goal Programme - Somali Football Federation - 2006

Football in Somalia

Somalia, a relatively young country that was shattered by the effects of civil war, has so far had little opportunity to make a name for itself in the footballing world. Founded in 1969, the Somali Football Federation joined FIFA later the same year before becoming a member of the Confederation of African Football in 1975. Despite difficult circumstances, 1972 saw the launch of a domestic league championship with four regional tournaments. The championship was relaunched in the spring of 2008 after a hiatus of 18 years. Success in international football has not been forthcoming either as the national team has yet to qualify for either the FIFA World Cup? or the Africa Cup of Nations. In stark contrast to other African countries, no Somali footballer has yet made his mark in a European league or on another continent. Nevertheless, the work that is currently underway to rebuild the football infrastructure provides hope that the underestimated Somali football scene will soon gain in stature.

The Goal project

Part of the highly demanding restructuring work in a country ravaged by a long civil war is to rebuild the footballing infrastructure. There are scarcely any stadiums left and only a few pitches are playable. As an amendment to the project that was submitted on 4 February 2008, on 22 October 2008 the Goal Bureau approved the construction of new stands in the Benadir stadium in Mogadishu. At the same time, an artificial turf pitch will be laid in connection with the Win in Africa with Africa programme, thus enabling the return of international matches to Somalia.

W/D: Yusuf Yusuf
Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment