Raiisul wasaarihii Dalka Ethoipia Males Zenawi oo ku Geeriyooday Belgium

Wednesday August 22, 2012 - 01:00:43
0 Comments
947
Super Admin

War ay baahisay Warbaahinta Dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday raiisul wasaarihii Wadanka Ethiopia ayaa geeriyooday isaga oo jira da’ada 57 sanno Ka dib markii uu xanuun soo wajahay Bilihii ugu dnabeeyay.

Meles waxaa Xanuunka uu soo wajahay tan iyon wixii ka danbeeyay Bishi July ee Sannadkan ka waxaana tan iyo xilligaas lagula tacaalayay Xanuunkiisa Isbitaal ku yaala Qaarada yurub wallow aysan dowlada Ethiopia shaacinin.

Mr Meles waxaa uu awooda dalkaasi la wareegay Sannadkii 1991-kii ka dib markii uu xi xoog ah uga qabsadaday HOgaamiyihii hore ee Ethiopia Mengistu Haile Mariam

Warka laga sii dayay warbaahinta Dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu shegay in ku xigeenka Raiisul wasaaraha Dalkaasi ahna wasiirka arimaha Dibada uu sii hayn doono Hogaanka Dowlada Ethiopia.

Sadex todobaad ka hor ayay ahayd markii uu afhayeenka Dowlada Ethiopia sheegay in Xaalada Raiisul wasaaraha ay wannaagsan tahay uuna caafimaad qabo dhawaana uu ka soo muuqan doono Warbaahinta isaga oo xiillligaas meesha ka saaray Geerida iyo Xanuun daran inu soo wajahay raiisul wasaarihii Ethiopia.

Iyadoo haatan dowlada Ethiopia ay shaacisay Geerida Raiisul wasaaraha Ethiopia ayaa hadana waxaa soo baxaya in Xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayo Wadanka Belgium

Related Items


Leave a comment