QAYLO DHAAN ABAAREED DEGDEG AH

Thursday June 11, 2009 - 05:28:50
0 Comments
3819
Super Admin
Gudiga jaaliyada dibada ee beesha ayaa waxay qaylo dhaan abaareed ka soo saareen xaalad abaaro aad udaran oo ka jirta deegaananada ay beeshu ku noo shahay.

Gudigan ayaa  markay dhageesteen warbixino iyo daarsado kala duwan oo ay soo gudbiyeen gudiga fulinta beesha iyo goolaha dhaqanka beesha ayana ubandhigeen  wax garad badan oo jaaliydaha dibeda ah ay soo saareen qaylo dhaan abaareedkan. Gudiga ayaa isku raacay inay u istaagaan hawshan mutadawacnimada ah, sidii ay qaaraan ugu raadin lahaayeen dadka ku nool deeganada ay abaarha saameeyeen.

 

Hadaba, dhamaan xubanaha beesha ee jaaliyadaha dibeda ku nool waxaa lagu wargalinayaa inay ka qeybqaataan kaalmadaan degadega ah ee loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaarahan oo ubadan xoolo dhaqato. Abaarahan ayaa ku habsaday dad iyo duunyaba waana kuwa dhaliyey biyo iyo baad la,aan. Hadaba gudiga waxa ay soo jeedinayaan in  la doonayaa in gurmad degdeg lagu dhaqaaqo oo mudo sodon (30)maalmood gudohood ah lala gaaro kaalmo bini-aadanimo dadkan ay abaarahu saameeyeen.

 

“ Ninkii maalintaad iilantahay aano kugu qaata

Oo aan abaarahakan dilaacay ooda kuugu jiidin

Itaal xumana kaaga tagin sow ikhwaan ma ahan

 

Muxsiniinta jaaliyadaha dibedaha ee uu alle SW waafijiyo in ay ka qeybqaataan kaalmadan fadlan la xiriira:

 

Jaaliyada reer Yurub la xiriira

 Cabdinur jaamac          London,

 cabdi maxamed cali     Norway,

 Idirs cumar qoslaye    Sweden

axmed yuusuf gaani      London.

 

Gobalada Maraykanaka Denver, CO, Portland ORG, SEATLE WA, iyo dhamaan magaalooyinka California la xiriira

 Bagaaje Cumar Jira

 Cabdulqadir Sh aadan

 Maxamed Muumin

 

 Gobalada East-Costiga laxiriira    

 Maxamed Aadan Dheere Boston, MA,

 Cabdifatax Kilimbe        Boston, MA

 Maxamud cabdi yusuf gaafaa. Boston, MA.

 

Gobalada Ohio & Atl, GA Laxiriira xarunta xoghaynta gudiga Minneapolis MN 

Canada laxiriira:

Cabdulaahi Axmed koolac

  

Gobalada Midwestiga Chicago, Wisconsin, Iowa, Omaha Nebraska iyo Minnesota  

Carte Caaji Jimcale

Axmed Sh Aadan

Axmed M Gaadaale

Ismaaciil Jamhuriya,

Yusuf Axamed Bayle

Nasiib Jaamac Geele

Maxamed Qani,

Cali Koofuroow,

Cabdikarim Xirsi,

Cabdiraxaman Khaliif,

Cabdi samid, iyo Muumin M Cawaale.

 

Dadka ku nool  gobalada ama magaalooyinka aan la xusin fadlan is xilqaama oo meesha idiinku dhow aad la xiriira mahadsanadiin. Hawshan kuma koobana oo kaliya jaaliyadaha yurub iyo north America waa mid caam ah oo ladoonayo inay ka qeybqaataan dadyowga iyagana kunool Carabaha iyo Afrika

 

Waxaanu alle SW ka baryeeynaa in uu abaarha iyo dhibaatooyinka ay keeneen uu ka dul qaado dadka ay saamayeen. inagana uu nagu garab galo oo inoo fududeeyo hawshan mutawacnimada ah ee aanu kaalamada ugu raadinayno walaalaha yaga dhibaataysan aamiin.

 

Magacyada Xubnaha Gudiga Jaaliyada Dibada.

 

1-Maxamed Aadan Dheere –Gudoomiye Boston MA.         

2Abdulahi    Axmad Canjalaf (Koolac) Xubin Otawa Canada.

3-Cawiif Maxamuud Cawaale.-Xubin Seatle, WA

4-Axamed Jigre Xasan.-Xubin           Iowa, 

5- Maxamed Muumin Cumar.-Xubin Sandiego CA.

 

 

Xarunta Xoghaynta GJD.

Minneapolis, MN USA

Wabilaahi Towfiiq.  

Related Items


Leave a comment