Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan degdeg ah la qaatay saraakiisha Ciidamada

Sunday November 25, 2012 - 21:15:17
0 Comments
1259
Super Admin

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah laqaatay Taliyeyaasha iyo Taliye Kuxigeennada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kulankaasi oo daba socday kulan saacado ka hor ay Muqdisho wadajir kula yeesheen Madaxda Sare ee Dalka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Taliyaha Ciidammada Xoogga DalkaSoomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Taliye kuxigeenka Ciidammada ahna Abaanduulaha Ciidammada Xoogga DalkaSoomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan,TaliyeyaashaGaasaska iyo Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidammada Xoogga DalkaSoomaaliyeed.

Ugu horeyn kulanka ayaa looga hadlay in sida ugu dhaqsiyaha badan loohirgeliyo go’aannadii kasoo baxay kulankii hore ee maanta ka dhacayMadaxtooyada waxaana Wasiirka iyo Taliyeyaasha Ciidammada ay si gaarah diirada u saareen in la xoojiyo dhismaha Ciidammada Xoogga Dalka siloo helo Ciidammo leh dishibiliin kuwaasi oo kasbada kalsoonidashacabka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqiayaa ku ammaanay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishahogaanka u ah sida ay ugu dahabar adeygeen marxaladihii adkaa ee aylasoo kulmeen ayadoo Wasiirkana uu xusay iney sabab u yihiinCiidammada Xoogga Dalka isbedelka maanta uu dalku ku jiro isbedelkaasioo uu ugu horeeyo in Dalka gudihiisa lagu dhiso Dowlad aan KMG aheyn.

“anigoo og runtii kartidooda Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalkahoreyna aan usoo wada shaqeynay hadana waxaan u wada shaqeynaynaa sikalsooni leh iyo karti inagoo ka wada shaqeyneyna in dalku uu heloCiidan Dishibiliin leh taasi oo ah xalka kaliya ee lagu heli karoCiidammo si hufan u guta waajibaadkooda”ayuuu yiri Mudane C/xakiinMaxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka ayaa dhanka kale tilmaamay in dhowaanduleedyada magaalada Muqdisho laga bilaabi doono dayactirka xerooyingaaraya Seddex kuwaasi oo la doonayo in Ciidammada lagu xareeyowaxaana uu Wasiirka Gaashaandhigga arintaasi uga mahad celiyey Madaxdasare ee Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan SheekhMaxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wasiirka ayaa xusay in go’aannada fulinta qodobadii kasoo kala baxaykulammada maanta lagula xisaabtami doono Saraakiisha Ciidammada XooggaDalka Soomaaliyeed waxaana uu rajo ka muujiyey in dhammaango’aannadaasi ay hirgalaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiinMaxamuud Xaaji Fiqi ayaa yiri “waxaa naga go’an Soo celinta sharaftaiyo karaamada Ciidammada Xoogga Dalka sida kaliya ee lagusoocelinkarana waa ayadoo la wanaajiyo dishibiliinka ciidanka taasinawaan xoojin doonnaa si ay u ilaaliyaan sharafta iyo karaamadaShacabka”

……DHAMAAD………….

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment