Wafti ay hogaaminayso Xildh. Sacdiya Carays oo booqday Gacma Fale (Daawo)

Wednesday February 13, 2013 - 02:56:39
0 Comments
2475
Super Admin

Xildhumaanad Sacdiya Carays Ciise Kaarshe oo ka tirsan Baarlamaanka dawlada federaalka Somalia oo booqasho iyo kormeer ku joogtay deegaanada Puntland ayaa manta booqatay deegaanka Gacma Fale oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Xildhimaanada oo ay Waftigaan ku waheliyey Godoomiyaha Gobalka Mudug Mohamed Yusuf Jamac Tiigey, Ganacsato iyo odayaal ayaa saaka gaaray Gacma Fale. Waxayna ugu horayn booqdeen ceel biyood deegaanka laga qodayey.

Waftiga ayaa sidoo kale shir kooban laqaatay odayaasha deegaanka, waxaana warbixin kooban xildhimaanada iyo waftiga lasocday siiyey Bashiir saabun oo kamid ah odayaasha deegaanka Gacma Fale. Bashir Sabun ayaan ugu horay u mahadceliyey Waftiga booqashada ugu yimid waxaana uu sheegay in ceelka ay hawshiisa meel fiican ay marayso, taakulayn iyo dhmaystirna uu u baahan yahay, waxaana uu codsaday in Dawlada Federaalka ah iyo mid maamulka Puntland ba ay xoog iska saaraan dhamaystirka ceelkaan oo uu sheegay inuu ka biyo macaan yahay ceelasha ku agdhaw.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Eng. Cumar Abdulle- Cumar Dheere oo kmid ahaa ganacsatada waftiga wahelisay ayaa isna ka warbaxshay ceelka. Eng-ka ayaa sheegay in ceelka Gacma Fale qodidiisu bilaabatay Jan 01, 2013 isla markaasna uu dhamaaday Feb 02, 2013. Waxaa intaas ku daray in dhaqaalaha ku baxay ay iska kaashadeen dadka deegaanka inta dhimanna looga baahan yahay maamulka puntland iyo Dawlada federaalka Somalia iska kaashadaan.

Goodomiyha gobalka Mudug ayaa isna ka warbixyey Wadada Wadaagsan taas oo uu sheegay inay ku egtatay ilaa Gacma Fale, waxaa uuna sheegay inay iska kaashadeen dadka deegaanka oo xoolo badan u uruurshay dhisideeda hadana ay dhamaad ku dhawdahay.

Xildhimaanada Sacdiya Carays ciise ayaa iyadu baaq u dirtay Qurba joogta somaliyeed, waxayna ku boorisay inay kusoo laabtaan dalkooda ugana fa’ideeyaan aqoontooda iyo maalkooda. Xildhimaan Sacdiya Carays ayaa in mudo isbuuc ahayd ku sugnayd Deegaanka Puntland waxayna lakulantay saraakiisha sare ee maamulka. Xildhimaanada ayaa dhawaan lafilayaa inay ku laabto Muqdisho halkaas oo udib uga furmo doono kulamada baarlamaanka Somalia oo mudo 2 bilood ah fasax ku maqnaa.


Hoos ka daawo film ku saabsan socdaalka Xildhimanada eeGacma Fale

Related Items


Leave a comment