Xildhimaanad Sacdiya Carays oo si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle

Monday February 18, 2013 - 19:42:58
0 Comments
2922
Super Admin

Xildhimaanada Dawlada Federaalka Somalia Marwo Sacdiya Carays ciise kaarshe oo dhawaanahaan booqasho fasax ku joogtay Puntland ayaa waxay maanta booqatay Degmada Burtinle ee gobalka Nugaal.

Xildhimaanada ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle, soo dhawaynteedana waxaa ka qayb qaatay madax kamid ah Maamulka Degmada, Ganacsato, Waxagarada kala duwan, ururka Haweenka iyo Dhalinyarada.


Xildhimaanada ayaa kulan kooban laqaadatay maamulka dagmada. Kulankaan oo ka dhacay Guriga Degmada ayaa Maamulka Degmada uga warbaxshay xaalada guud ay ku sugan tahay degamada ayagoo si gaar ah ugala hadlay Isbitaalka Guud ee magaalada Burtinle kaas oo lagu dhisay iskaa wax-u-qabso oo ay kawada qayb qaateen dhamaan Bulshada reer Burtinle. Waxay sheegeen in isbitaalku ubaahan yahay kaalmo kala duwan oo ah hadii ay ahaan lahayd Dakhaatir iyo dhamaan kaabayaashii caafimaadka.

Kadib kulanka ayaaxildhimaanad sacdiya loo galbiyey Xaafada Tuula-Ciise halkaas oo gabdhaha Magaalada Burtinle ugu qabteen xalfada soo dhawayn ah oo kazoo wada qayb galeen dhamaan gabdha reer Burtinle.

Xildhimaanad Sacdiya Carays ugu danbayn sheegtay isla markaana ballan qaaday inay dhamaan fariimaha shacabka reer Puntland ay gaarsiin donto Golaha shacab-ka iyo waliba Xukumada Somalia.




Related Items


Leave a comment