Diyuurad laga leeyahay Ethiopia oo laga afduubay garoonka Magaalada Rome

Monday February 17, 2014 - 22:34:19
0 Comments
1257
Super Admin
Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline ayaa la afduubtay maanta xilli ay ku sii jeeday magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga, waxaana ninkii afduubay uu ka dejiyey magaalada Geneva.
Wararka ay shaaciyeen booliska wadanka Switzerland ayaa sheegaya in diyaarada uu afduubtay kaaliyihii duuliyaha diyaarada oo u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo la wareegay koontaroolka diyaarada, kana dejiyay garoonka magaalada Geneva. Ninka diyaarada afduubtay ayaa ahaa 31 jir u dhashay dalka Ethiopia.

Diyaarada ayaa la afduubtay markii ay mareysay hawada dalka Sudan, waxaana ruuxa afduubka geysatay la sheegay inuu dalbaday magangalyo siyaasadeed.

Ninkan kaaliyaha u ahaa duuliyaha ayaa la sheegay inuu mar qura gudaha u galay halka diyaarada laga kexeeyo xilli uu duuliyihii diyaarada galay suuliga ama musqusha, kadibna waxaa maamulkii diyaarada la wareegay kaaliyaha oo intuu albaabkii qolka laga hagayey diyaarada soo xirtay ka dibna dadkii rakaabka ahaa ku wargeliyey in diyaaradu ay isaga u afduuban tahay.

Booliska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka shirkada diyaarada ee Itoobiyaan Airlines, iyadoo markii falkan dhacay la xiray dhamaan howlihii garoonka diyaaradaha Geneva. Afduubaha ayaa la xiray markii uu diyaarada ka dejiyay garoonka diyaaradaha Geneva.

Ninkan kaaliyaha u ahaa duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay in aanu hubeysneyn, waxaana uu dalka Switzerland uu ka codsaday inay magangalyo siyaasadeed ay siiyaan, isagoo ku dooday in uu ka cabsi qabay in dib loogu celiyo wadanka Ethiopia oo dhibaato loogu geysan karo haddii lagu celiyo.

Duulimaadka diyaaradan ayaa ahaaET 702 waxaana hadda la geeyay garoonka Cointrin airport ee magaalada Geneva ee caasimada wadanka Switzerland, waxaana dhammaan shaqaalihi diyaarada la geeyay hotel gaar ah oo lagu hayo.

Related Items


Leave a comment