Madaxwaynaha Puntland iyo wafti uu horkacyo oo soo gaaray Qardho ugana gudbi dona Bosaso

Thursday March 20, 2014 - 12:23:23
0 Comments
1123
Super Admin
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Maamulka degmada Qrdho,maamulka Gobolka Karkaar,hogaamiye dhaqameed,Arday,haween ku labisan dharka Hidaha iyo dhaqanka iyo dadweyne kale ayaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Qardho loogu sameeyay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.

Dadweynaha soo dhoweeyay Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay kuso dhowaynayaan Madaxweynaha.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ka hor inta aysan iman magaalada Qardho ay ay sii mareen degmooyin hoostaga Gobolada Nugaal iyo Karkaar,waxaana Madaxweynuhu uu Bulshada kala kulmay soo dhowayn diiran inta uu Safarkiisa ku jiray.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo wafdigiisa ayaa ku nagaan doona Qardho,halkaas oo ay kula kulmi doonaan qaybaha Bulshada.


Related Items


Leave a comment