War lagu farxo oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in Qoryooley Gabi...............

Saturday March 22, 2014 - 14:55:23
0 Comments
1280
Super Admin
War lagu farxo oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in Qoryooley Gabi ahaanteeda ay la wareegen Ciidamda Xogga dalka somalia oo kashanaya Ciidamda nabad ilaalinta Amison.

Ciidanka Xooga Dalka oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta gudaha u galeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Qoryooley, ka gadaal markii ay dagaal kaga saareen Ururka Al Shabaab.

Labada Ciidan, ayaa dagaal waxa uu ku qabsaday dhanka bariga ee Degmada Qoryooley, iyadoo ay ku guuleysteen in ay soo jiiraan dagaal-yahanadii Shabaabka, ee halkaasi ka dagaalamaayay.

Sidoo kale gudaha Degmada Qoryooley, ayaa waxaa laga maqlaayay madaafiic hoobiye-yaal ah oo la sheegay in ay isweydaarsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Ciidamada Amisom, ayaa waxay ku hakadeen qaybo cayiman oo ka tirsan Degmada Qoryooley, iyadoo wado kasta lagu arkaayo Ciidanka Xooga Dalka, oo noocyada kala duwan ee hubka ku hubeysan.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Dowladdu ay isku ballaarinayaan qaybaha Degmada Qoryooley, sidoo kalana waxaa lagu arkayaa Xarunta Degmada, Saldhiga iyo meelaha kale ee ugu muhiimsan Maamulka Deegaanka.

Qoryooley waxay noqoneysaa Magaaladii 7-aad oo si buuxdo loogala wareego Ururka Al Shabaab, tan iyo markii ay hawlgaladu bilowdeen horaantii bishaan.

Related Items


Leave a comment