Muctamarki Sadexaad Ee Ardayda Masaajida (New England)

Tuesday July 07, 2009 - 09:52:08
0 Comments
2509
Super Admin
Waxa bishan July,4-5 ka dhacay Magaalada Lewiston ee gobolka Maine Muctamarki sadexaad gobolada New England ee dalaka Maraykanka.

Muctamarka oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Xarunta Muslimiinta ee magaalooyinka mataanaha ah (Lewiston Auburn Islamic Center) ayaa waxa uu u dhacay qaab aad u wanaagsan. Labada maalmood ee muctamarku socday ayaa waxay u ahayd farxad iyo rayrayn dhamaan dadwaynihi ka soo qayb galay.

Culumada ka soo qaybgashay isla markaana ka muxaadaraysay ayaa waxa ka mida ahaa culumada reer Maine,  gaar ahaan magaalooyinka Portaland , Lewiston Waxaa muxaadarooyin ka jeediyey sheekh Saalax oo ah imaamka Lewiston Islamic Center, Sheek C/raxman Qanbi iyo Sheekh Nucmaan. Dhinaca Portland waxaa ka jeediyey muxaadarooyin sheekh Bare oo ah Imamka masjidka magaalada Portaland Sheekh maxamud (garyare) iyo waliba sheekh Saciid oo ah Amiirka ururka dhalinyarta ee New England. Sidoo kale Waxaa wacdaro ka dhigay culumada reer Boston oo ay horkacayeen Sheekh Yusuf iyo Sheekh tawakal.

Maalinti labaad waxaa loo qabtay tartan diimeed ay ku tartameen dhalinyarta waxa ka barata maasaajida sadexda magaalo. waxaana lagu tartama sadex kitaab oo uu ku jiray kitaabka ujruumiga ee naxwaha carabiga, Durarul Bahiyah oo Figi ah iyo Bayquniyah. Si kastaba ha ahaatee tartanki marku uu dhamaaday ayaa waxa qaybta koowaad ka gashay dhalinyarta masjidu Taqwa ee Boston oo ay ku mutaysteen abaalmarin lacageed. Kooxda Portaland ayaa waxay gashay kaalinta labaad meesha kaalinta sadexaadna oo ugu hoosaysa ay gashay Lewiston,Me.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in la qabtay ciyaaro kubada cagta oo ay kutartameen dhalinyarta magaalooyinka Portland, Lewiston iyo Boston,Ma. Ciyaarahaan oo uu soo qabanqaabiyey tababaraha kooxda Lewiston stars Macalin C/lahi ayaa waxa subaxii hore fooda isdaray kooxaha Lewiston iyo Portland waxaana ay guushu raacday dhamaan ciyaarihi oo idil kooxda Lewiston oo Sidaa ku qaaday koobki lagu tartamayey. Boston 2aad halka Portland ay gashay 3aad.

Ugu damayntii ayaa waxaa culumadi sameeyeen lacag aruurin (fund raising) lagu iibinayo dhul masjid laga dhisayo oo ku yaal magaalada Boston. Sheek Yusuf iyo culumadi kale dhamaantood  ayaa ka hadlay Muhiimada ay sadaqadu uleedahay diinta islaamka, siiba ka qayb qaadashada dhismaha masjid. Lacag aruurintani waxay sidoo kale  ku dhamaatay guul.

Intaas kadib ayaa laduceeyey Eebana laga baryey inuu nagu gaarsiiyo muctamarka kiisa kale oo kadhici doona Boston December 25,26,28, 2009 nabad, caafimaad, iyo cilmi kororsi.

 

 

Related Items


Leave a comment