M/weyne Gelle oo mar sadexaad la doortay

Saturday April 09, 2011 - 17:24:33
0 Comments
1263
Super Admin
Ismaaciil Cumar Gelle, madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa mar sadexaad ku guuleystay doorashada madaxtenimo ee dalkaasi ka dib markii shalay la qabtay cod-bixintii doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Gelle uu haley boqolkiiba 80% codka shacabka reer Jabuuti, intooda codeysay.

Musharaxa kale ee la tartamayay madaxweyne Gelle, Maxamed Warsame Raage ayaa isagu helay boqolkiiba 20% codka shacabka.
Waa markii sadexaad oo uu ku guuleysto madaxweyne Gelle doorashiiyinka dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku leh dalalka Fransiiska iyo Mareykanka

Wixii war ah oo ka so kordha kala xariir isha wararka

burtinletimes.com



Related Items


Leave a comment