Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa ku
guulaystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada
doorashada Madaxwaynaha.
Xildhibaan, Maxamed Axmed beerreey oo la tartamayay guddoomiyaha
cusub ayaa helay 5-cod, Sidoo kale Senator Cabdi ismaaciil samatar oo isna
loollan ugu jiray xilka guddoomiyenimo ayaa helay 2- Cod, halka Senator Cabdiqani
Geelle Maxamed uu helay 10-cod.
Waxaa isna xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku
dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada madaxwaynaha JFS Xildhibaan Maxamed
keerow Maxamed ayaa ku guulaysay kadib markii uu helay 9-Cod.
Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 15 xubnood ayaa isugu jira labada Aqal, waxaana la filayaa in bishan gudaheeda ay diyaariyaan doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka.
Meeraysane.com
Leave a comment