Nin isa soo midaamiyey oo isku Qarxiyey goob uu booqan lahaa Ra'iisul Wasaare Rooble

Friday December 18, 2020 - 18:06:54
0 Comments
430
Nasteeh Bare
Wararka ka imaanaya magalada Galkacyo dhica koonfureed ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullahi Ciise ee Magaladaasi halkaasi oo la filaayey in uu yimaado Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Goobta Qaraxu ka dhacay oo aheyd afaafka hore ee goroonka ku bada cagta ah ee Cabdullahi Ciise, waxaana halkaasi lagu baaraayey dadweyne ka qeyb gali lahaa soo dhoweeynta Ra'iisul Wasaaraha, Qaraxan oo geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, dadka ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab ee Galmudug Gen. Mukhtar Cabdi Adan & Marsho Mire , Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug Waqooyiga Galkacyo Maxamuud Yaasiin Tumeey , Taliyahii qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Qooje Dagaari , iyo tiro askar ilaalo u ahedy Ra'iisul Wasaare Rooble, Wixii faafin ah ku soo kordha dib ayaan idinla soo wadaafi doonaa.

Related Items


Leave a comment