Wararkii ugu dambeeyey iyo xaalada Siyaasada dalka

Monday February 08, 2021 - 00:58:05
0 Comments
519
Nasteeh Bare
Waxaa isa soo guraya xilliga uu dhamaanayo muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana dalka ka socanaya kulamo ku saabsan sida ay noqon doonto hoggaanka siyaasada ee dalka.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka waxaana laga arrinsanyay sida xaalka uu noqonayo marka la gaaro saqda dhex ee caawa.

Waxaa shir qadka Zoom-ka u socdaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaa shirka ka maqan oo aan qeyb ka aheyn Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo galabta dib ugu laabtay Baydhabo.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in laga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 February marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Wxaa jira qorshe maalmaha soo socda la isugu keenayo Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada, si shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loogu qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in caawa saqda dhexe soo saaraan War murtiyeed ku saabsan mowqifkooda ku aadan dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku eg, iyagoo u aqoonsanaya in aanu wixii ka bilowda caawa 12 saq dhexe oo ku beegan 8 February in aanu Madaxweyne aheyn.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashi hore ayaa goordhow la filayaa inay la kulmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, iyagoo ugu tagaya hoygiisa.

Wararka ayaa sheegaya inay kala hadlayaan xaalada siyaasadeed ee uu dalku galayo, kaddib dhamaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo in Guddoomiye Mursal oo isagaba muddo xileedkiisa dhamaaday inuu qaato doorkiisa kaga aadan dalka.

Related Items


Leave a comment