Duqa Muqdisho cumar finish oo digniin u direy Shacabka Gobolka Banaadir

Monday March 08, 2021 - 23:09:56
0 Comments
360
Nasteeh Bare
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo shir jaraa'id qabtay ayaa waxa uu faray bulshada Caasimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dadaalo Bulshada looga wacyigelinayo khatarta Cudurkan looguna sheegayo qaabka ugu haboon ee looga hortagayo.

Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

maamulka gobolka Banaadir ayaa Bulshada aan heli karin agabka looga hortago covid-19 u qeybiyay, taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa la dagaalanka faafitaanka corono virus.


Related Items


Leave a comment