Talaalka Cudurka Covid19 Oo La Keenay Soomaaliya

Monday March 15, 2021 - 21:17:49
0 Comments
424
Meeraysane.com Muqdisho

Talaalkii Ugu horeeyay we cudurka Covid19 ayaa maanta Soo gaaray Magaalada muqdisho kaas Oo ay la wareegtay Wasaarada caafimaadka Somaaliya talaalka ayaa gaarayay 300,000 oo Kuuro (Doses) wasiirka caafimaadka XFS Fowziya Abikar Nuur, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo mas’uuliyiin kale ayaa Goob joog ka ahaa soo dejinta talaalka Oxford Astrazeneca.

Waa qaybtii koowaad maanta dalka ay keentay hey’adda caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO, guud ahaan talaalka COVID-19 ee Soomaaliya loogu talagalay kaas oo ah 1.2 milyan oo kuuro.

Danjire James Swan, ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ugu hambalyeeyaynayo helitaanka talaalkii ugu horeeyay ee cudurka corona ah, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada Soomaaliya xilligan adag.

Waxaa uu sheegay in cudurka wali halis weyn yahay isla markaana loo baahan yahay in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka nugul qaataan talaalka feejignaantana la sii wado, si loo xakameeyo feyraska.

Fowziya Abiikar Nuur, ayaa u mahad celisay dhammaan hey’adihii ka soo shaqeeyay in Soomaaliya uu soo gaarto talaalka cudurka coronavirus, xilli dalka uu ku jiro soo labo kacleynta feyraska corona.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in talaalka beri la bilaabi doono isticmaalkiisa laguna horeysiin doono shaqaalaha caafimaadka ee la dagaalamaya feyraska.

"Waan ku dadaalaynaa in aan caddaalad u gaarsiino talaalka inta na soo gaartay. Waa muhiim in talaalka ay la socoto wacyigelinta, sida kala dheeraado, afka la xirto, gacmaha la dhaqdo” ayay tiri Fowziya.

Waxaa xusid mudane, in 16 Maarso oo beri ah, oo talaalka isticmaalkiisa la bilaabi doono ay  ku beegan tahay sanad ka hor markii kiiskii ugu horeeyay oo cudurka COVID-19 ah laga heley Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment