Qaramada Midoobay Oo Soo Dhaweeysay Kulamada Hordhaca Ah Ee Dowlada & D/Goboleedyada

Tuesday March 23, 2021 - 14:30:26
0 Comments
389
Meeraysane.com

Qaramada Midoobay xafiiskeeda  Soomaaliya ayaa soo saaray war looga hadlayo Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo xubno kamid ah  maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyooni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa waxa lagu Tilmaamay inay ka war hayaan kulankii Madaxda ku yeesheen Afisyooni oo ay ku shegeen kulankaas inuu ahaa mid hordhac u ah Shirka loo qorsheeyay Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada dalka kaga wada hadlaan doorashada.

Qaramada Midoobay ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay yeeshaan kulamo intaasi Ka badan oo lagu xalinayo mashaqada taagan iyo sidii  loo daah-furi lahaa  Shirka Madaxda oo lagu dhameystirayo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Related Items


Leave a comment