Waxaa goordhow Teendhada Afisyooni ka bilowday shirka aan rasmiga aheyn ee dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,

Wednesday April 07, 2021 - 13:15:46
0 Comments
380
Nasteeh Bare
Waxaa goordhow Teendhada Afisyooni ka bilowday shirka aan rasmiga aheyn ee dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, dhammaan madaxda ayaa goobjoog ah oo shirka ku jira.

Shirka ayaa shalay dib u dhacay, sababo la xiriira safarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ku tagay Dhuusamareeb, inkastoo gelinkii dambe ee shalay uu dib u soo laabtay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u sheegay meeraysane media in shirka la filayo in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay rajo ah in shirka maanta is faham laga gaari doono.

Beesha Caalamka ayaa waday dadaalo iyo cadaadis Madaxda ku saareysay in shirka laga heshiiyo, isla markaana Madaxda xal ka gaaraan ajandaha shirka, si dalka doorasho u aado.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ee Madaxda shirsanaayeen ayaa wax horumar ah laga sameyn, iyadoo ay jireen faro isku taag taag iyo hadalo kulul oo Madaxdu is weydaarsanayeen.

Related Items


Leave a comment