Dowlada Federal Somaaliya Oo Ku Biirtay Ururka Ganacsiga Aduunka

Friday June 18, 2021 - 23:45:38
0 Comments
405
Muqdisho

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowlada Federal ka Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee dhex-maraya Agaasimaha Guud ee dhawaan loo doortay Ururka Ganacsiga Aduunka iyo Wasiirada Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee wadamada Afrika & xog-waraysi horumarinta Ganacsiga .

Wasiiru dowlaha oo hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka ka Wasaarad ahaan sameeyeen dadaal iyaga oo wakhtigan ka soo gudbay qeybo ka mid ah shuruudaha loogga baahan yahay xubinimada Ururka Ganacsiga Aduunka.

Waxaa uu sheegay in ay Ku bixiyeen juhdi badan si aan qeyb uga noqo uruka ganacsiga Adduunka, isagoona yiri waan Ka gudbinay qeyb ka mid ah waxyaabhihii nagala rabay.

Wasiirka oo hadalkiisa Soo wata Ayaa yiri Wasaaradda ganacsiga oo kaashaneyso Dowladda waa ay ka go,antahay sidii ganacsiga Soomaaliya u heli lahaan maalgalin caalami ah iyo suuqyo ka mid ah kuwa aduunka oo kale.

 W/D Nasteex C/salaam Barre
 
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment