NEWS Ra'iisul Wasaare Rooble oo kula kulmay Kismaayo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gedo

Thursday July 08, 2021 - 10:25:35
0 Comments
310
Nasteeh Bare
Ra'iisal Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaley Kismaayo kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Heer Dowlad Goboleed, Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo siyaasiyiinta ku metela Gobolka Gedo Dowlad Goboleedka Jubbaland.


Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala hadlay doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubbaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada Garbahaarey.


Madaxda iyo Siyaasiyiinta uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay, sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan dib u heshiisiinta gobolka.


Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kula kulmo magaalada Garbahaarey siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ee diidan Maamulka Axmed Madoobe.


Related Items


Leave a comment