Muqdisho
Jimce wanaagsan Asxaabta kala duwan ee Ku xiran meeraysane.com maanta waxaan idin hayaa mid kamid ah shekooyinka aan idin diyaarinay oo dhacay 9/7/2019 si aad ugu nasataan, waxayna ka hadlaysa technology-ga cusub iyo Caqabadaha uu wato.
Ugu horayn Wiil & gabar ayaa iska bartay mid ka mid ah baraha bulshada sida Facebook islamarkaas ay gaartay meel aad u sarayso xiriirka ka dhaxeeya labadaas lamaane ilaa ay Ku balameen in ay noqdaan qoys.
Lakiin Nasiib daro waxay Ku kala noolayeen meelo kala fog sida magaalo kamid ah gobolada dhexe ee dalka oo ay joogtay gabadha Halka wiilku uu joogay magaalada muqdisho ee caasimada dalka.
Waxaa la isla gartay in gabadha ay si dhumalaaysi ah ku soo baxdo iyada oo u soo safareeysa dhinicii gacaliyaheeda uu Ku sugnaa oo ahayd magaalada muqdisho, muddo gaaban kadib gabadhii waxay soo gaartay magaalada xamar, inkasta oo ay La kulantay wax aysan filaynin.
Arintaas ayaa ahayd in ninkii Facebook ay ka jeclaatay uu ahaa wiil xaasle ah lehna labo caruur ah islamarkaasna Ku tiirsan waalidkiis dhalay talo faraha ayeey ka baxday, waxay miciin biday reer qaraabo ay yihiin, iyadoo loola dhaqmi jiray sida booyaso oo kale.
Waa dhibaatooyinka ay La kulmaan dadka aaminsan in xiriir wanaagsan lagu dhisi karo social media ama baraha bulshada lakiin iloowsan barashada dabeecadii qofka, diintiisa iyo dhaqankiisa nololeed ileen horaa loo yiri barasho horteed ha i nicin.
W/D Axmed max'ed Rajaa
Leave a comment