Dhalinyaro Ka Caraysan Ciidamo La Dejiyay Laanta Xaafada Horumar Ee Galkacyo

Monday August 16, 2021 - 13:56:26
0 Comments
297
Galkacyo

Dhalinyaradaan ayaa isugu soo baxay Barxada hore ee Center Xaafada horumar ee magaalada galkacyo kuwaasi oo ka cabanaya ciidamo la soo dhoobay halkaasi.

Arintaan ayaa timid kadib markii La sheegay in La soo dejiyay ciidamo katirsan kuwa puntland oo go-gol xaar u ah ciidamada isku dhafka galkacyo.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Meeraysane.com ayaa tibaaxaya in puntland ay iibisay Ex bangiga galkacyo oo ciidamadaas u ahaa Xerun ay Ku sugnayeen.

Sikastaba hanoqotee laanta xaafada horumar ayaa ahayd meel lagu qabto kulamada kubada cagta xaafada iyo iyo sidoo kale isku soo baxyada xiliyada kala duwan.

Axmed max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment