Dibad bax Looga Soo Horjeedo AMISOM Oo Ka Dhacay Ee Deg/ Boondheere Magaalada Muqdiaho

Thursday August 19, 2021 - 13:04:22
0 Comments
261
Muqdiaho

Banaan baxaan ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa looga soo horjeeday dilkii dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee ka kamid AMISOM dadka Shacabka ahaa ugu geysteen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid ahaayeen ( dil gardaro ah doonimayno ) iyo hadalo kale, islamarkaasna waxay muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkaas.

Iyagoo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay si xaqdaro ah u dileen dadka Beerahooda ku sugan.

Related Items


Leave a comment