Dagaal Qaraar Oo Saakay Ka dhacay Degaanka Camaara Ee Gobolka Mudug

Tuesday August 24, 2021 - 13:02:52
0 Comments
242
Mudug

Dagaal qaraar ayaa Saakay Aroor horre Ka dhacay Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug Kaas oo u dhexeeyay Ciidamada garabsanaya ee federalka, Galmudug iyo ururka Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaas ayaa siyaabo kala duwan waxaa uuga hadlay dhinacyadii dagaalamay Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay iska difaceen weerarka Al-Shabaab.

Dhinaca kale War lagu qoray baraha bulshada All shabaab ayaa lagu sheegay inay Eileen askar badan islamarkaasna at qabsadeen 12- gadiidka dagaalka ah 2- gaari oo nooca xamuulka ah BG iyo Booyad.

Al-shabaab ayaa intaas Ku daray inay La waregeen degaankaas Camaara, inkasta oo ay ahayd dhawaan markii gacan Ku haynta degaanka Camaara ay La waregeen Ciidamada federalka iyo galmudug.

 

Related Items


Leave a comment