Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Xariga Ka Jartay Isbitaal Laga Furay Deg/ Baraawe

Saturday August 28, 2021 - 21:59:33
0 Comments
374
Baraawe

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa. 

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.

Marwada koowaad ayaa u madcelisay hay'dda Sanab Macalin Foundation Oo dadaal xooggan  ku bixiyay sidii loo hirgalinlahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Baraawe. 

Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Axmed Siciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada JFS Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.


Related Items


Leave a comment