Ururka Suuxufiyiinta SJS Oo Tababaro Aqoon Kororsi Ah Magaalada Galkacyo Uga Furtay 25 - Wariye

Tuesday September 07, 2021 - 20:59:37
0 Comments
367
Galkacyo

Ururka suxufiyiinta soomaliyeeda ee SJS ayaa Magaalada Gaalkacyo tababar uga furtay 25 weriye oo ka hawlgala Xarumaha warbaahinta Magaalada Gaalkacyo.

Tababarkaan ayaa Ku saabsan Hab dhaqanka wariyaha iyo howlihiisa Shaqo Oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Aqoon kororsigaas ayaa waxaa  ka faa’iideysanaya 25-Wariye oo isugu jira rag iyo dumar oo ka kala yimid degaannada Galmudug iyo Puntland.

Tababarkan oo magaalada Gaalkacyo ka socon doona Saddex maalmood waxaa iska kaashanaya Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dowladda Canada ,wuxuuna qorshaha SJS yahay in tababarkan la gaarsiiyo qaybo kamid ah gobolada dalka.





Nasteex Barre
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment