Xildhibaanad Ka Tirsan Barlamaanka Federalka Oo Eed Dusha Uga Tuurtay Madaxweyne Farmaajo

Tuesday September 14, 2021 - 00:36:54
0 Comments
295
Muqdisho

Xildhibaanad Aamina Maxamed oo Xalay la hadashay mid kamid ah tv-yada somaaliga Ku hadla ayaa tilmaantay in kiiskan ay ka shakisan tahay inuu Madaxweyne Farmaajo lug ku leeyahay waa siday hadalka u Tiriye.

Kadib markay aragtay warqadii Madaxtooyada kasoo baxday Villa Somaaliya ee gudiga loogu saaray kiiska ikraan tahliil.

Iyadoo tilmaantay in Madaxweynaha uu horay uga dhigay taliyihii Nabad sugida G/banaadir, Taliyiha Guud ee Nabad sugida dalka ninka dacwada loo haysto.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in kiiskan uu soo socday muddo sex bilood ah uusan ka hadlin waa maxay sababta uu iminka gudiga baaritaanka ugu saaray Farmaajo.

Ugu danbeeyn Xildhibaanada ayaa R/Wasaaraha u soo jeedisay inuu kiiskan siiwado madaama ay kugu kalsoontay Hooyo qaali ikraan Cadaalad ayeey u baahan tahay umada soomaaliyeedna Cadaalad ayeey u baahan yihiin.

Axmed Rajaa 
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment