Hay'adda Save the Children Oo Walaac ka Muujisay Dhalinyaro Xukun Dil Ah Ay Ku Riday Maxkamad ku Taalla Magaalada Gaalkacyo

Saturday February 12, 2022 - 22:50:09
0 Comments
395
SAVE THE CHILDREEN

Hay’adda Samafalka ee Save the Children ee dalka Britain ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya Jimcihii in ay soo faragaliso dhalinyaro ay xukun ku riday Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland oo loo heystay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.


"Wiilashan waxay mudan yihiin in la siiyo fursad dhaqan celin ah, waxaana ku boorrinaynaa dowladda inay xaqiijiso cadaaladda.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda.


Hay’adda Samafalka ayaa sheegtay in go’aanka Maxkamadda uu ka horimaanayo Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, kaasoo ay Soomaaliya ansixisay 2015-kii.


Sida laga soo xigtay Hay'adda Amnesty International,6- dal ayaa xukun dil ah ku fuliyay dembiilayaal aan qaan-gaarin tan iyo 1990-kii – Iran, Nigeria, Pakistan, Saudi Arabia, Mareykanka iyo Yemen.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment