Shir Ku Saabsan Horumarinta Degmooyinka Soomaaliya Oo Ka Furmay Dalka Ruwaanda

Tuesday February 15, 2022 - 13:46:18
0 Comments
438
RUWANDA

Shir looga hadlaayo hormarinta degmooyinka ayaa lagu qabtay dalka Ruwanda waxaana ka qayb-galay Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug mudane ,Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Jimcaale ( Somali Mayors Forum ).


Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta 15 degmo oo ay guddoomiyaashoodu ka qeyb galayaan shirka madasha, waxaana soo qaban qaabiyay urur ay ku mideysan yihiin dowladaha hoose ee dalka Ruwanda oo kaashanaya hay,adda UNHABITAT/JPLG.


Maayarka degmada Gaalkacyo, Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Shirka ka Jeediyay Khudbad uu kaga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee ka socda magaalada Gaalkacyo, iyo sida uu maamulku ugu baahan yahay garab istaagga hay’adaha iyo dowladaha hoose ee dalalka caalamka gaar’ahaan iskaashi dhexmara dowladda hoose ee Gaalkacyo iyo kuwa Dalka Ruwanda sida ay sheegtay SONNA.


Meeraysane.com

 


Related Items


Leave a comment