Dagaal Xoogan Oo Buuraleyda Gal-gala Ku Dexmaray Ciidamada Puntland Iyo Ururka Al-shabaab

Sunday March 27, 2022 - 21:06:25
0 Comments
364
BUURALAYDA G/BARI

Wararka ka imaanaya buuraleyda gal-gala gaar’ahaan degaanka Af urur ayaa xaqiijiya in saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Puntland ku geeriyoodeen tiro kalena ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay buuraleyda Af-urur ee Gobolka Bari.


Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku ku qaaday saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.


Dagaalka ayaa weli ka socdo dhulka buuraleyda ah ee degaanka Af-urur kaas oo u dhexeeya ururka hubaysan ee Al-shabaab iyo Ciidamada puntland.


Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment