Bixinta Shahaadada xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad Oo Socota Maalintii 2-aad

Sunday April 03, 2022 - 15:14:28
0 Comments
403
MUQDISHO

Maalintii labaad si habsami leh waxaa xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka heer federaal uga socota diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Xubno ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka oo ay  hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ayaa maanta lagu bilaabay shahaado bixinta.

"Waxaan ku boorrinaynaa mudanayaasha kale inay yimaaddaan Xarunta si looga dhabeeyo Jadwalka dhammeystirka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saakay lagu bilaabay shahaado siinta xildhibaanada cusub, sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085, Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ku fadhiya HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment