Soomaaliya Oo Dib U Furtay Safaaraddii Ay Ku Laheyd Dalka Rwanda.

Friday April 29, 2022 - 14:31:38
0 Comments
378
MUQDISHO

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ay shaacisay in ay dib Safaaraddeedii uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.


Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiir "ma degane” Jamhuuriyadda Rwanda.


Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.


Soomaaliya ayaa xiriir dhinacyo badan la leh Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah oo ay ka noqonayaan ” Safiir ma degane”


Meeraysane.com

 


Related Items


Leave a comment