Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir caalimi ah+FAAHFAAHIN....

Wednesday September 14, 2022 - 09:59:37
0 Comments
406
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 14(MEERAYSANE MEDIA):

Wasiirka Duulista Hawada Ilyaas cismaan ayaa Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali kaga qayb-galay shirweynaha dalalka Afrika ee Duulista Hawada oo si rasmi ah loogu casumay Puntland.

Waxaan maalintii labaad nooga socda Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali shirweynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo ka Dowlad Puntland ahaan casumad ka helnay martigaliyayaasha shirka” ayuu yiri wasiir Lugatoor.

Shirkan oo uu daahfurey Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame ayaa inta uu socdo ka Puntland waxay ku soo bandhigaysaa Horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Puntland ka jira, Madama shirku kasoo qayb galeen in ka badan 1,100 qof oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.

"Shirkan oo uu daahfurey Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame ayaa inta uu socdo ka Puntland ahaan waxaa kusoo bandhigayna Horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Puntland ka jira, Madama shirku kasoo qayb galeen in ka badan 1,100 qof oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale” ayuu sii raaciyay Wasiirka’.

Sikastaba Puntland oo kamida maamulada ka jira soomaaliya isla markaasna amarada iyo haggida duulista diyaaradaha u hoostagta wasaarada duulista hawada dowlada dhexe ayaan la ogeyn natiijada saxda ah ee ay ka keeni karto shirka Rwanda.




Related Items


Leave a comment