Ciidanka Xoogga dalka iyo Macwisleyda oo qabsadey deegaano muhiim ah oo hoostaga Degmada Ceelbuur.

Sunday September 25, 2022 - 11:09:45
0 Comments
333
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 25(MEERAYSANE MEDIA):

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka iskooda isku abaabuley ee deegaannada gobolka Galgaduud ayaa shalay qabsaday deegaano muhiim ah xilli ay kusii jeedaan degmada Ceelbuur oo ay doonayaa in ay laga kala wareegaa ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in kayar 16km u jira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyadka Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado kahor inta aanay ciidanka iman.

Deegaankan ayaa waxa uu ku yaallaa waddada u dhaxeysa Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Howlgalka oo ah mid aad u baaxad weyn ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan xildhibaannada federaalka iyo Galmudug, ku matala deegaannada howlgalkani ka socdo.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

"Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

Related Items


Leave a comment