Meydka Wasiirad Marxuumad Khadiijo Diiriye Oo Muqdisho Laga Soo Dajiyay

Thursday December 21, 2023 - 13:48:03
0 Comments
81
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Iyo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XJFS Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka soo degay garoonka aadan cadde.

Wafuudaan kala duwan ayaa ka soo kicitimay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo Halkaasi oo goor dhaw lagu tukan doono Salaadda Janaasada.  

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment