Wasaaradda Qorshaynta XFS oo soo bandhigtay  Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka

Thursday December 21, 2023 - 14:26:18
0 Comments
103
ahmed raajaa
MUQDISHO
Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir lagu soo bandhigayay Nidaamka Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Waaxaha Qorsheynta, Kormeerka iyo Qiimaynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad furitaan ah ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, iyo Agaasimaayasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Mudane Cabdullahi Cumar Aadan iyo Xasan Cabdi Soomane iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa faahfaahiyay muhiihamdda uu nidaamkan isku-dhafan uu leeyahay, waxa uuna sheegay in uu awood badan siinayo hay’adaha Dawladda, fududeynta helidda xog dhamaystiran.

Sidoo kale, nidaamkan wuxuu sahlayaa In mashaariicda Dawladdu fuliso iyo kuwa Hay’adahu fuliyaan si dhow loola socdo, In mashaariicda Soomaaliya lagu salayeeyo baahida shacabka Soomaaliyeed iyo u xaq sooridda Gobolada iyo Degmooyinka Soomaaliya, si simanna looga fuliyo mashaariicda oo dhan.

Related Items


Leave a comment