Ururka iskaashiga Islaamka oo walaac ka muujiyay xadgudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Thursday January 04, 2024 - 14:38:28
0 Comments
83
ahmed raajaa
URURKA ISIKAASHIGA ISLAAMKA
War Qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si cad loogu diiday heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland,kaas oo ay ku tilmaameen xadgudub ka dhan ah madax bannaanida iyo midnimada Dhuleed ee dowladda ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

‘’Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawladaha xubinta ka ah OIC si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah, Kadib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah”.waxaa sidaas lagu yirii qoraalka ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment