Wasaaradda qorshaynta XFS oo daahfurtay Istiraatiijiyadda 5ta sano ee soo socota (2024-2028)

Sunday January 07, 2024 - 13:43:23
0 Comments
70
ahmed raajaa
GAROOWE
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda ku daahfurtay Istiraatiijiyadda 5ta sano ee soo socota (2024-2028). Qorshahan.

Istiraatiijiyadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, waxaana ka soo qeybgalay xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire oo faahfaahinayay Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda ayaa sheegay in Istiraatiijiyadan ay hagi doono hawlaha Wasaaradda ee 5ta sano islamarkaana ay waafaqsantahay hawlaha muhiimadda u leh Xukuumadda adan-Qaran.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment